Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Kusoo Dhawaaw Hoyga Heesaha Qoraalka ee Maanka

Welcome maanka Sawiro Boga Gabayada  ila Qosol maanka photos1 maanka photos2 Boga jaceylka Boga hooyo Heeso wadani Heeso Ku Baro Computerka Heso Qoraal ah igala Soo Xiriir Qur.aan Sheekooyin



Heeso Qoraal ah

  • Adunyada nin dhoofiyo by Mohamed Saleebaan Tubeec
  • Alla maanta ayaanta by Mohamed Saleebaan Tubeec
  • Adaa iiroon allahayow by Khadra Daahir Cige
  • Aamiin allahayow by Mohamed Saleebaan Tubeec
  • Caashaqana daadihi by Samatar & Sahro Axmed
  • Caashaqana daadihi2 by Samatar & Sahro Axmed
  • Ceel Buur by Salaad Mohamed (Salaad Darbi)
  • Cunaabi by Qalinle & Saado
  • Daalo aynu joognee by Daud Cali
  • Dad hadaad isqabataan by Ahmed Mooge
  • Darin inaan la jiifsado by Khadra Daahir Cige
  • Deeqaay dabac wanaageey by Mohamed Saleebaan
  • Dhakhtar baysu keen qoray
  • Dhankaaga markaan u ciiro
  • Dhool da'ay lamoodyeey by Mohamed Saleebaan
  • Dhulaan ceel lahaynbaa by Khadro & Saado
  • Dumar kale ma caashaqin by Cumar shooli
  • Dumarna fiiro lagaroon by M. Saleebaan
  • Dunidii siday tahayeey by Khadra daahir
  • Ummaleey Jacayl by Axmed Gacayte
  • Galan gooleey by Hassab Aadan Samatar
  • Gar eexo by Cumar Dhuule Cali
  • Godlasho caashaq by Hassan Aadan Samatr
  • Gufaaco by M. Saleebaan
  • Sida geed caleen leh by Maxamed Axmed Kuluc
  • Hadaad dhinacayga joogto by Saalax qaasin & Khadra Daahir
  • Haween ka samir ama u samirby Axmed Mooge
  • Hayga goosan Caawa by Saleebaan & Aamino Feer
  • Beerqaad Maxamed Axmed Dhabarlow & Sahra Axmed
  • Hibooy by Maxamed Saleebaan
  • Hidii diiyow by M. Saleebaan
  • Hooyo by M. Saleebaan
  • Indho deeraleeyeey by Xuseen Yusuf Tarabi
  • Isha sacabka mari by Khadra Daahir
  • Wisiisi by Sahra Axmed Jaamac
  • Maxaa dayr cad geel hallaboo by Maxamed Mooge
  • Midabkeeda dhiinka ah by Axmed Cali Cigaal
  • Wacdaraha aduunyada Maxamed Mooge
  • Naf ku jecel aduunyada by Sahra Axmed Jaamac
  • Naftu doqonsanaa by Cabdinasir Macallin
  • Qoraxdoo Aroortii by Xassan Adan Samatar
  • Saxarlaay hafududaan by Maxamed Mooge
  • Sida Sida by Saleebaan & Magool

    1

  •  

    Ma Is Aroosnaa-Fuaad Cumar dhuuli

     

    Indhahayga aragtidaada
    aadbay ugu farxaayaane
    adoo kale aadmigaba
    kumaan aragee
    ubax caro ka baxay iyo
    xidadiisu qalbiga
    kasoo baxay ayaad tahee
    axdi meel ma dhiganaa
    macaan mays aroosnaa

    Hablaheena kolkaan eego
    aado ugu ilwaad quruxey
    afkeygu amaantaada
    gacaloy u fududaayee
    inkastoo adduunyadu
    ay tahay ayaan qudha
    adaan kaa ishaartee
    axdi meel ma dhiganaa
    macaan mays aroosnaa

                 Aduunyada nin dhoofiyo (M. Saleebaan Tubeec)

    Adduunyada nin dhoofiyo
    Ninkii degan dhulkii hooyo
    Nin dhergiyo nin dhowr qaday
    Aan dheef hayn
    Dhedig iyo laboodba
    Hawli kama dhamaatee
    Qof walibaa wixii dhibay
    Dhafoorkay ku taalaa
    Ana dhaawacaygii
    Jacayl dhidibka aastaan
    La dheeldheeliyaa
    Anba kuguma dhaafeen
    Haday taadu dheelido eh
    Maxaa dhacay dhankaagay
    Ka jiiftaa dhaliishuye
    Ma dhiirado nimaan garab
    Wax lagula dhisaynine
    Nafta dhool hilaaciyo
    Dhibic baa u muuqdee
    Ana dhaawacaygii
    Jacayl dhidibka aastaan
    La dheeldheeliyaa
    Jacaylkeediii dhuuxiyo
    Lafaha wuu u dhaadhacaye
    Dhulkoo doog dhir iyo ubax
    Dhamaan hadheeyeen
    Dhawristeeda oo qudha
    Ayaan dhawr ku qadayaa
    Wali dhaban mid kula mida
    Kama dhalanin adduunkee
    Ana dhaawacaygii
    Jacayl dhidibka aastaan
    La dheeldheeliyaa

     Qoraxdoo Aroortii by Hassan Adan Samater

    Qoraxdoo aroortii
    Qaybisay falaadhaa aa
    Ama qaanso roobaad
    Daruur midab ku qarisay
    Qaymaheedii leeyeey
    Qof mid lama amaanoo
    Qalad looma heesee
    Qurayshtii haweenkaay
    Naftaad qancisaybaa
    Kuu qushuucdayoo
    Wanaag kuu qiraysee
    Qabrigaa hortii qaradee
    Bariin aad u qaboobiyo
    Qaadirkay ha ku geeyo
    Qofaalada jacaylkoo
    U qabiray naftaydaa
    Ilamaad qalaynino
    Waad ila qorshaysee
    Iga saartay qoolkii
    Qamandacada dushaydiyo
    Qamuunyadii i saarnayd
    Ilamaad qaxootiyin
    Naftaad qancisaybaa
    Kuu qushuucdayoo
    Wanaag kuu qiraysee
    Qabrigaa hortii qaradee
    Bariin aad u qaboobiyo
    Qaadirkay ha ku geeyo
    Haddaan qiro runtaydoo
    bowbaa Laabtayda qaadee
    Naftaad qancisaybaa
    Kuu qushuucdayoo
    Wanaag kuu qiraysee
    Qabrigaa hortii qaradee
    Bariin aad u qaboobiyo
    Qaadirkay ha ku geeyo

     Amiin allahayoow (by M. Saleebaan Tubeec)

    Nimco iyo ninkeediyo
    Alabariga eebiyo
    Ducadaan ag dhigayaa 2
    Rabi inu ajiibaa
    Aqbalkeeda sugayaa
    Aamiin aamiin
    Aamiin allahayoow 2
    Labadii is adeecee
    Kala qaata amarkee
    Isu uur nuglaadaa 2
    Ala idiinka tuugnee
    Aamiin ku sii dara
    Aamiin aamiin 2
    Aamiin allahayoow
    Abwaanada dhamaantood
    Afkoodaan ku leeyee 2
    Aqbal iyo aroos wacan
    Ala idiinka tuugnee
    Aamiin ku sii dara
    Aamiin aamiin
    Aamiin allahayoow 2
    Nimco iyo ninkeediyo
    Alabariga eebiyo 2
    Ducadaan ag dhigayaa
    Rabi inu ajiibaa
    Aqbalkeeda sugayaa
    Aamiin aamiin
    Aamiin allahayoow 2
    Aamiin aamiin
    Aamiin aamiin 2
    Aamiin aamiin
    Aamiin aamiin

    Jacayl kala awood wayne Kii iilka dhiga Qays
    Laylana ag seexshaa

     Anna igu abuurmee Oogaduu ku faafoo
    Diiday inaan adkeystee
    Ii kaa asqeeyoo
    Igu kaa eryaayee
    Ogow naftaa
    Kuu ooman adigee,ee Imisaan adoo kale
    Arji iila timidoo
    Oofin maayo aan idhii Aawadaa u joojee Wadnahaa i ololayee
    Ii dhigo abaaloo
    Arintayda meel mari
    Axdi beena lama galo Wacad lama ilaabee
    Ruuxii ku aaminay
    Lagama indho saabtee
    Afar saniyo dheeraad Arimahaan dhisaayee
    Aan is idhi idlaadeen Waadigaa irdheeyee
    Ogow naftaa
    Kuu ooman adigee,ee Imisaa adoo kale
    Arji iila timidoo
    Oofin maayo an idhii Aawadaa u joojee Wadnahaa i ololayee
    Ii dhigo abaaloo
    Arintayda meel mari

    ALLE MAANTA AYAANTA (By Mohamad Saleebaan Tubeec )

    Alle maanta ayaanta
    Iyo ciida wanaagsan
    Ilaahii ina siiyey
    Isagaa ku abaal leh
    Way ahaataye maanta
    Si wanaagsan u ciida 
    Callankeena Iftiimay
    Xiddigtaa ku astaysan
    Ilaahii ina siiyey
    Isagaa ku abaal leh
    Way ahaataye maanta
    Si wanaagsan u ciida
    Arday joogta iskuulka
    Odayaal talinaaya
    Ilaahii ina siiyey
    Isagaa ku abaal leh
    Way ahaataye maanta
    Si wanaagsan u ciida 
    Hadba kii arrin keen ah
    Ka kalee aqbalaaya
    Ilaahii ina siiyey
    Isagaa ku abaal leh
    Way ahaataye maanta
    Si wanaagsan u ciida

     Dumar kale ma caashaqin bye codkii Cumar Shooli

     

    Dumar kale ma caashaqin
    Hadal danbe kumaan odhan
    DoKhaagu wuxuu rabo
    Kol'aan daynba kuu galo
    Wali diiday kuma odhan
    Dadku wuu dagaalaa
    Dabadeed heshiiyaa
    Inaad raacdo duul kale
    Ma wax loo dulqaataa
    Naftaydii ku diidayoo
    Kama daadegaysee
    Adaa seegay dawgee
    Iga durug walaaleey
    Haatan dayradaadaa
    Ku dadaalayayoo
    Ima diirinayside
    Ogow dumarku kaa badan
    Waan kaa dal doorsaday
    Dusha hayga xaganine
    La dabaalo la dabaalo caashaqa
    Waan kaa dal doorsaday
    Dusha hayga xaganine
    La dabaalo la dabaalo caashaqa
    Dambi kaama aan gelin
    Duleed kagamaan tegin
    Hablaha da'daadana
    Daandaansi daayoo
    Dibnahayga uma furin
    Adigay daraadaa
    Dakharadu I gaadheen
    Inaad iiga durugtaa
    Ma wax loo dul qaataa
    Daruur ii da?aysiyo
    Dabayl caafimaad baan
    Deeqooy ku moodee
    Waxad tahay tu ii daran
    Haatan dayradaadaa
    Ku dadaalayaayoo
    Ima diirinayside
    Ogow dumarku kaa badan
    Waan kaa daldoorsaday
    Dusha hayga xaganine
    La dabaalo la dabaalo caashaqa
    Waan kaa daldoorsaday
    Dusha hayga xaganine
    La dabaalo la dabaalo caashaqa
    Danbiga waxa dhigay
    Wadnahayga doqonkee
    Kaa doortay dumarkoo
    Aad daryeeli waydoo
    Wali daacad kuu qaba
    Dabiibbuu ku moodee
    Adiguna dad naariyo
    Inaad dacalka goysaa
    Ma wax loo dul qaataa
    Dayaxoo aleeliyo
    Waa duulkii suleekhaan
    Dadka kaaga soocdee
    Waxaad tahay habeen dama
    Haatan dayradaadaa
    Ku dadaalayaayoo
    Ima diirinayside
    Ogow dumarku kaa badan
    Waan kaa daldoorsaday
    dusha hayga xaganine
    La dabaalo la dabaalo caashaqa

    ADAA II ROON ALLAHAYOW (by Khadra Daahir Cige)

    Raggii ma adigaa ka harayee
    runtii ma anigaa ka baqayee
    guriga rarabaa tiraah
    hadana roga baa tiraah
    haddaan raaskuba dagayn
    xaggeyn kuu raacayaa
    ma riyaan soo jeed ka dhigan
    ma dhib baan raaxo moodayaa
    adaa ii roon Allahayow
    adaa ii roon Allahayow
    *** *** ***
    Rabshada ma adigaa ka helayee
    raalliyo ma anigaan ahayn
    maxaa caashaqa rigrigay
    ma reeb iyo raaci baa
    raadkii kabo calaf miyaa
    markii laga raystay baa
    geeloo rarashaa la yiri
    ragoo barashaa la yiri
    adaa ii roon Allahayow
    adaa ii roon Allahayow

    Caashaqana Daadihi Weligaa Hasiidayn (By Xassan Adan Samatar iyo Sahra Axmed )

    Caashaqana Daadihi Weligaa Hasiidayn By codkii Xassan Adan Samatar iyo Sahra Axmed Dawadii nafteydow bal aan kula dar-daarme
    Nabada aan ku leeyahay ku daabaco qalbiga oo
    Weligaa hasii dayn, duushayey allow nabadey
    Qoraxduna dalaalnimo
    Caashaqana daadihi weligaa hasiideyn

    Darmaantan jeclaayey bal aan kula dar-daarme
    Dantu wadajir weeye docdaada yeyka baylihin anna teyda igu daa
    Dunidoo barwaaqo ah, dalka nabad kusii joog
    Caashaqana daadihi weligaa hasiideyn

    Dayixii iftiimow bal aan kula dar-daarme
    Dumarka adookale taa hesha madeysee dooqaaga ka adkow
    Duushayey allow nabadey
    Qoraxduna dalaalnimo
    Caashaqana daadihi weligaa hasiidayn

    Daymada urooney bal aan kula dar-daarme
    Kuwa loogu dowgalay labadii is doorte
    Kala dila dadka is jecel
    Ayaaney isku keen dirine
    Dalka nabad kusii joog
    Caashaqana daadihi weligaa hasiidayn

    Dawadii Naftaydaay Abdinasir Macalin


    Dawadii naftaydaay
    Dadka taan ka doortaay
    Dawadii naftaydaay
    Dadka taan ka doortaay
    Sow inaan ku daawado
    Dal dheer ugama soo kicin
    Dumar haygu noqonine
    Sidan kaa daba dhacay
    Inaad ii dar yeeshaa
    Waa ka dambeeyaayoo
    Door waxan idhaahdaa
    Dumar lama amaanee
    Dahab weeye gabadhuyee
    Waa ka dambeeyaayoo
    Door waxan idhaahdaa
    Duni lama amaanee
    Dahab weeye gabadhuyee
    Malagii ku dilay iyo
    Sidaan ahay dabaylaha
    Malagii ku dilay iyo
    Sidaan ahay dabaylaha
    Dadka kala dhantaalaad
    Ii diiday hadalkee
    Inaad daah isaartaayo
    Kaligaa dakeysaa
    Inaad daah isaartaayoo
    Keligaa dakeysaa
    Waxaad damacday maahee
    Miyaa laygu kaa diray
    Adigaan da'daadana
    Kaa daawadaayoo
    Adigaan da'daadana
    Kaa daawadaayoo
    Damqashada jidhkaygiyo
    Siduu caashaq ii dilay
    Sidaan kaaga daba dhacay
    Inaad ii daryeeshaa

    Dhabta Miyaan-Kinsi & Xaydar

    Dhiigiyo kalgacalkii
    ee xidida dhamaystira
    afka lagama dhawree
    ma ogtahay dharaarahan
    markan dhaban u seexdaba
    inaan kugu dhadhabayoo
    dhabteyda kaa dayoo
    hadii aad dhab doon tahay
    amba kuguma dhaafeen
    hawlaha dhankeygee
    dhinacaaga ila qabo

    Siciid M Xaydar

    Walaw dheylo aad tahay
    ee hadana dhaqankiyo
    dhaqashada ku wacan tahay
    dharaar aragti ma ogtahay
    caashaqan wax dheereen
    dhedo roob la moodo
    dhalanteed inuu yahay
    jacayl kii dhawaan gala
    dhaxal lagama gaadhee
    horta dhab kaa yahay
    waa inaan dhudhumiyaa

    Labadooda

    Imika dhudhumiyooo
    miyaan soo dhawaadaa
    awalba igama dheereyn
    dhabta miyaan ku saaraa
    dhibtan kula nacayaa
    bal hadaba dhalaan sidii
    dhabarkaaga igu qaad
    dhenged waan ka fududee


    Kinsi X Adan

    Dhugmadiisu ruuxey
    ee u dhantahay
    ayuun buu dhibayaa
    xishoodkuye
    ma ogtahay dhigeyow
    dhamanaanka awgaa
    dariiqyada suuqyada
    dhar la'aan inaan maroo
    hadii aad dhab doon tahay
    amba kuguma dhaafeen
    hawlaha dhankeygee
    dhinacaaga ila qabo

    Siciid M Xaydar

    Qoton dheer qoyaaniyo
    ee dhex qotoma xareediyo
    dhabi baxay la moodyeey
    ma ogtahay dhaqsiinyuhu
    hadii lacag dhalayaan
    kaadsiiyuhu ma dhiciyee
    dahab baan ka dhuran laa
    jacayl kii dhawaan gala
    dhaxal lagama gaadhee
    horta dhab kaa yahay
    waa inaan dhudhumiyaa

    Labadooda

    Imika dhudhumiyooo
    miyaan soo dhawaadaa
    awalba igama dheereyn
    dhabta miyaan ku saaraa
    dhibtan kula nacayaa
    bal hadaba dhalaan sidii
    dhabarkaaga igu qaad
    dhenged waan ka fududee

    Deeqaay damac wanaageey(by M. Saleebaan tubec)

    Deeyaay damac wanaageey
    Xageen kaa dayaayeey
    Deqaay damac wanageey
    Xageen kaa dayaayeey
    Deeqaay damac wanaageey
    Dadkaba taan ka doortaay
    Danbiga taan lahayneey
    Deeqaay damac wanaageey
    Dadkaba taan ka doortaay
    Danbiga taan lahayneey
    Kuma dayn karaayee
    Xagaan kaa dayaayeey
    Deeqaay damac wanaageey
    Xagaan kaa dayaayeey
    Deeqaay damac wanaageey
    Xagaan kaa dayaayeey
    Dadkoo seexday duuroo
    Dayaxaa eegay dunidee
    Dayaxaa eegay dunidee
    Dadkoo seexday duuroo
    Dayaxaa eegay dunidee
    Dayaxaa eegay dunidee
    Kuma dayn karaayee
    Xagaan kaa dayaayeey
    Deeqaay damac wanaageey
    Xagaan kaa dayaayeey
    Deeqaay damac wanaageey
    Xagaan kaa dayaayeey
    Danbiga tii dawaysaay
    Adigaay damqaayee
    Adigaay damqaayee
    Danbiga tii dawaysaay
    Adigaay damqaayee
    Adigaay damqaayee
    Kuma dayn karaayee
    Xageen kaa dayaayeey
    Deeqaay damac wanaageey
    Xagaan kaa dayaayeey
    Deeqaay damac wanaageey
    Xagaan kaa dayaayeey

    Wisiisi by codkii Sahra Axmed Jaamac
    Sida wegan gammaanoo
    la miirin waaga tiigsadyee
    wayraxa kalgacalkaan
    la wiisiisi goohaa
    wadnahayga dhiiggaa
    waydaaranaayoo
    waaxyaha jidhkaygana
    ma waraabinaayee
    waqtigii i dhaafiyo
    habeenkii wacnaayee
    i waydaartay baan
    weli xaxuustaa
    wehelkay wehelkaygaan caashaqa
    la wadaagi jiray baan
    weli u yeedhaa
    Sida waqal daruurreed aan di'in
    weehday keligayee
    dhigahaygu waanadu
    uma weecanaysee
    markii loo wan qalayee
    waa wiil layiri baa
    anna lay waxyoodoo
    i wareen jacaylkuyee
    waqtigii i dhaafiyo
    habeenkii wacnaayee
    i waydaartay baan
    weli xaxuustaa
    wehelkay wehelkaygaan caashaqa
    la wadaagi jiray baan

    weli u yeedhaa

     

    1

     

    Dhankaaga markaan u ciiro 
    Xareeda laguma waxnaadoo
    Abaartana lama xumaadoo
    Aduun xun lama ?juleeyee
    Haduu kii xeel ku raacoo
    Xogtiisana ruux ku siiyoo
    Xussuusta lagama gooyee
    Xagaaga markan u ciiray
    Inaad xaska iiga baydhaa
    Xeerkiisa jacaylba maahee
    Xan iyo ceebi yay ku raacin
    Aduun waa xeerba xeeroo
    Sidii weeye xabag cadaadoo
    Xilbay adhi jiri wadaagtaa
    Anagoo xidid iyo gunbuuroo
    Amase laamaha xubnaadoo
    Xumaan hay gelin waxyeelee
    Xagaaga markan u ciiray
    Inaad xaska iiga baydhaa
    Xeerkiisa jacaylba maahee
    Xan iyo ceebi yay ku raacin
    Sidii faras xamar is xoodaan
    Amase geenyo xariir la taagay
    Xudu iyo shaal lagu hagoogay
    Haday xaragadu ku qaado
    Xidigaha xataa ayku geyso
    Wuxuun baa la xeeriyaayeey
    Xagaaga markan u ciiray
    Inaad xaska iiga baydhaa
    Xeerkiisa jacaylba maahee
    Xan iyo ceebi yay ku raacin

                  by qoraa sare maanka

     

    1

    a